Galkacayo, Puntland,
Somalia
info@gmfsom.org
Official email

testimony of Prof.Maxamed Cawsey

GMC GMC HOSPITAL Maxamed Cawsey Qormadan waxaa qoray Prof. Cawsey Bismillaah, Assalaamu Calaykum, wa raxmatullaah. Habeenka Arbacada soo galeesay, 16/03/2021, abbaarihii 9:45 P.M. waxey ii aheyd habeen adag. Muddo, ayaan dareemayey xanuun qandho ah. Magaaladana waxaa ka jira cabsida Covid-19. Waxaan dareemay culays neefsiga ah, iyo sambabihii oo culays ku soo kordhay. Markiiba, waxaan wacay saaxiibkayga-weyn, C/Llaahi Nuur Salaad, oo markiiba igu xiray Dr. Dhegacadde. C/Llaahi, wuxuu i soo gaarsiiyey firiin uu u soo dhiibay Dr. Dhagacadde, oo aheyd in sida ugu dhaqsaha badan, ku soo gaaro isbitaalka. Muddo, ku dhow 15 daqiiqo ka dib ayaan gaaray isbitaalka, waxaana igu soo dhaweeyey koox caafimaad oo hogaaminayey Dr. Mubaarak, Caasha C/Qani iyo Amina C/Llaahi. Waxaana la i dejiyey qol habeesan oo suuli gaar ah leh, haanta OKSIJIINTUNA dhinac taalo. Waxwalbana waxey ahaayeen diyaar. Waxaana markiiba la igu xiray faleebo lagu shubay labo daawo. Markey ka soo wareegtay 20 daqiiqo waxaan dareemey sambabihii oo ii furmay iyo qandhadii oo iga jabtey. Waa Allaah mahaddiisa, ninkeygii wax yar ka hor daldalayey ISTIGFAARTA, iyo TAWXIIDKA, waa dhaqan-bani-aadane, waxaa ku soo laabtay hawlo adduunyo iyo fakirkooda. Subixii Arbacada, waxaa igu soo kalahay Dr.Dhagacadde iyo tiimkiisii. Si aad wanaagsan ayeey ii salaameen iina soo dhaweeyeen, waxeyna iigu bishaareeyeen, inshaa'Allaah, inaan caafimaadi doono. Madaama, isbitaalka u diyaarsaneyn inuu qaabilo xanuunkaan dadka qabo, bukaankana loo gudbiyo isbitaalka weyn, Dr. Dhagacadde ayaa igu hagoogtay oo diiday in meel kale la i geeyo. Raggiisii iyo gabdhaha waa ku raaceen go'aankaas. Waxaa la i soo dejiyey qol yara go'an oo nadiif ah lehna suuli fadhi ah. Qolka saqafkiisu wuxuu ku samaysna raaro, waxaana ka soo lul-manayey feenuusyadii hore, oo la isticmaali jiray. Hawo-socodka qolka iyo iftiinkiisaba waxay ahaayeen heer sare. Qolkaas, wuxuu ku dhex-yaalay DEEGAAN( Panorama) aad u qurux badan. Waqooyiga waxaa ka xigay beero liin iyo geedo kalaba iskugu jiraan. Bariga, waxaa ka xigay degaamo ay ku nool yihiin digiiran iyo digaag, loogu roonaaday raashinka, caafimaadka iyo nabad-gelyadaba. Waqooyiga, waxaa iga soo horjeeday dhir cagaar ahi iyo karoonka ciyaaraha ee kubbadda-cagta. Waxaana soohdin noo ahaa dariiq yar oo marin u ahaa arday jaamaacadda Global Science University. Arday ay ka muuqato ididiilo waxbarasho. Isbitaalka GMC, waxaan ku soo arkay saddex walxood urur ku guulaysto; maamul wadajir iyo wada- tashi ku salaysan, degaan caafimaad qaba iyo nadaafad dhammaystirin. Isbitaalkaas, kala ma aan kulmin oo kaliya takhaatiirka ka adag hawshooda, ee waxaan kaloo ku arkay mas'uuliyiin xilkooda ka runsheegaya, dadkooda jecel, kana xanuunsanaya dhibaatooyinka caafimaad oo haysta. Reer Gaalkacyoodow, reer Mudugow, runta markaan idiin sheego Dr. Abdulcadir M Giama waa nin aad ku aamini kartaan naftiina, caruurtiina iyo waayeelkiinaba. U istaaga in aad ku kaalmaysaan hawsho oo hayo dadkiisa iyo dalkiisa. Inta ku bixinaysaan tobanaan kun oo dollar Hindiya, Malaysia, Turkey iyo meelo ka sii fog-fog, loona sii jiidayo lagana soo jeediyo waayeelo safarkaba uu yahay kii is-raacsiin-lahaa. War dhista ibitaaladiina oo taageera dadkiina wa tarka ah oo aaminka ah, y all ! . Bahweynta waxbarasha oo aanku dhex-jiro waxaan u soo jeedin lahaa, siiba waxbarashada Gobol Mudug in sanduuq loo furo, lagana hormariyo wacyi-gelin xoog leh oo ardayda iyo walidiinta ardayba lagu baraarujyo. Ardaywalba oo dugsiga hoose ah, ha lagu daro fiiga $ 0.2, ardayga dugsiga sare ahaa $0.5. Sanduuqaas ha noqdo mid lagu ballaariyo hawlaha bulshada u hayo isbitaalkaan, sida meelo loo qalabeeyey in lagula tacaalo cudura kansarka, iyo cuduradaan kale daacuunka, Covid-19, iwm. Shakhsi, ahaan, Dhegacaddow, aad baan kaaga mahadcelinayaa walaannimada iyo dadaalkii xoogga badnaa oo iskugu jiray niyad-dhis iyo daaweenba afartii habeen oo aan ku baryey isbtaalja GMC, lyd all ulig. Waxaan kaloo u mahadcelinaya tiimkaad u tahay hogaamiye, kuna tabo-bartay daryaalka bukaanka in ay ka hormariyaan naftooda. يغير ما بقوم حتى يغيروا ما بأنفسهم وجزاك الله خيرا جزاء Maclin Cawsey Gmc hospital
admin
56 years ago